Akshay Kumar Iyo Gabadha Soo Saaraha Ah Prernaa Arora Markii Sedexaad Ma Wada Guuleesan Doonaan Oo Xariir Ah

Superstar Akshay Kumar iyo gabadha soo saaraha ah Prernaa Arora ee madax u ah shirkada KriArj Entertainment waxaa ka dhaxeeyo xiriir shaqo oo guul ku dheehan.

Akshay iyo Prernaa Arora horey waxay dadka kaga yaabsadeen fariimahoodii heerka saraa ee guulaha wacan gaareen Rustom (Super Hit) iyo Toilet Ek Prem Katha (Super Hit).

Waxay doonayaan in guushooda sedexaad xariir ah ka helaan wada shaqeyntooda filimka Padman oo diyaarsan lana daawan doono 25-ka bishan Janaayo.

Akshay Kumar wuxuu sameeyaa in aflaanta Prernaa Arora wax ka maal gaineyso inuusan lacag toos ah ku qaadaneysn sameyntooda taasi oo yareyso miisaaniyada aflaantooda kadibna waxay kala qeebsadaan faa’iidada laga helo aflaantooda lacagta tiyaatarka ka imaado iyo lacagaha xuquuqaha kale laga helo sida Satellite-ka iyo muusigada.

Waxaa lagu kalsoon yahay in Akshay Kumar iyo Prernaa Arora guushooda sedexaad xariir ah gaari karaan madaama Padman hadal heyntiisa aad u sareyso inkastoo ay isku dhici doonaan filimka weyn Padmaavat oo isagana la xaqiijiyay in 25-ka bishan la daawan doono

Facebook Comments