Waxa aan nool nahay duni kuwa ay tobanaan Meyl (Mile) u soconayaan in ay helaan cunno, halka kuwa kalena ay u soconayaan cabbir intaas la eg in ay helaan sidii ay u dejin lahaayeen cunnadii ay cuneen.
Waa adduun iyo xaalkii, haddaba dadaallo badan ayaa loogu jiraa sidii wax looga baddali lahaa qaab fekerka dadka ee ah in ay adag tahay is caateynta iyo jirka oo la yareeyo, maaddaama dunida horumartay aad looga xiiseyo is caateynta iyo is dhuubidda.
Daraasad cusub ayaa sheegeysa in haddii qofku uu isticmaalo xanjo islamarkaana isaga oo ruugayo uu saacado badan la lugeeyo ay hoos u dhigeyso culeyska jirka.
46 qofood oo kamid ahaa dadkii daraasadda laga qaaday islamarkaana da’dooda ay u dhaxeysay 21-69 sano ayaa la sheegay in garaaca wadnahooda uu sara u kaco islamarkaana ay cadaadis dareemaan.
Mac-had kuyaalla Japan ayaa Sabtidii lasoo dhaafay shaaca ka qaaday daraasaddan waxaana ay sheegeen in qofka haddii uu doonayo in uu si fudud u dhimo culeyska jirkiisa uu xanjo inta gato kusocdo wakhti illaa maa xad.
Dad badan oo ay Soomaalida kamid yihiin ayaa dhibaato ku qaba cayilka, haddaba akhristoow tijaabadan cusub bal adna eeg oo haddii ay ku anfacdo soo tijaabi.