Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedHogaamiyihii Hore Ee Hirshabeelle Oo Ka Hadlay Xaaladda Baledweyne Iyo Arimo Kale?

Hogaamiyihii Hore Ee Hirshabeelle Oo Ka Hadlay Xaaladda Baledweyne Iyo Arimo Kale?

Xaafadaha qaar Ee magaalada Baladweyne waxaa labadii maalin ee la soo dhaafay ku laabanayay dadkii uu saameynta ku yeeshay fatahada wabiga shabeelle ee ku noolaa Duleedka Magaaladaasi.

Hogaamiyhiii hore ee maamulka Hir-shabeelle cali cabdulaahi Cusuble oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in danta ay ku qasabtay shacabka reer baladweyne inay mar kale dib ugu laabtaan guryahooda hasa yeeshee aysan haysan wali sabab cad oo ay dib ugu laabankaraan, isagoona cabsi ka muujiyay xaalada magaalada.

Cali C/laahi Cosoble ayaa geesta kale sheegay in loo baahanyahay in markala laga talaabo xaalada wali taagan in la dejiyo qorshooyin kale oo looga bad baadi karo saameyn mar kale ka dhasha fatahaad uu sameeyo wabiga shabelle ,islamar ahaantaana keena inay dad badan ka hayaamaan xaafadihii ay ku noolaayeen.

Hogaamiyihii hore maamul Goboleedka hir-shabeelle ayaa fariin udiray ganacsatada Magaalada Baladweyne iyo hogaanka Maamulka Hirshabelle, taasi oo ku saleysan inay si wada jir ah iskaga kaashadaan qaabkii loo sameyn lahaa dadaalo salka ku haya sidii loo dejin lahaa barnaamij wax looga qabanayo dhibaatooyinka fatahaada ee wabiga shabeelle uu sameeeyo.

Shacabka ku nool Baladweyne ayaa waaya joog unoqday fatahaado is xig xigay oo saameyn adag ku reebay Naftooda islamarkaana keenay inay deegaansadaan banaanka magaalada, kana soo kacaan dhismooyin laga sameeyay baco iyo geedo leysku xer xeray kuwaasi oo iyagaba ku yimid gar gaar waqti badan ay sugayeen uana dirtay dowladda soomaaliya, balse xaalada nolol iyo deegaan ahaan ee dadkii uu saameeyay fatahaada ayaa hada ka soo yara hagaageysa sidii hore.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments