Kooxda Chelsea Oo La Kulantay Tababare Reer France Ah Oo Ay Doonayso In Ay Ku Basho Antonio Conte

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay France kula kulantay tababare ay doonayso in ay u dhiibto shaqada kooxda si uu u badalo tababare Antonio Conte xilli ay sii wadaan raadinta tababare cusub.

Blues ayaa la filayaa in ay shaqada ka cayriso Antonio Conte marka ay Maamulka Blues helaan tababare cusub oo ay ku badali karaan.

Wargayska France Football ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea la kulantay tababarihii hore ee kooxda PSg ee Laurent Blanc si uu badal ugu noqdo tababare Conte.

Wararka ayaa sheegaya in agaasimaha kooxda chelsea uu shalay la kulmay tababarihii hore ee kooxda PSG xilli ay wali raadinayaan tababare cusub.

Tababaraha 1998 ku guulaystay koobka adduunka ayaa bilaa shaqo ah muddo laba sano ah tan ilaa markii uu ka tagay kooxda PSG.

Tababarihii ka tagay Napoli ee Maurizio Sarri ayaa la aaminsan yahay in uu yahay tababaraha ugu cad-cad laakiin Chelsea ayaa diidan in ay bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa.

Facebook Comments