iddiga reer Brazil ee Neymar ayaa baqdin ku abuuray taageerayaashiisa maanta oo arbaca ahayd kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray tababarkii uu xulka qarankiisu isugu diyaarinayay kulanka Croatia ee sabtida ka dhici doona garoonka Anfield.
Xiddigan ayuu dhaawac kale ka soo gaaray isla lugtii uu dhaawaca xun ka soo gaaray ee qaliinka looga sameeyay bartamihii xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Neymar ayaa garoonka ku dhacay intii uu tababarku socday taas oo keentay in ay dhakhaatiirta kooxdu ku soo rodaan si ay u eegaan xaalka xiddiga.