Salman Khan Oo Ku Dhaqaaqay Duubista Heesta Magaca Filmka Race 3 Xili Amaankiisa Si Agag Loo Sugaayo

Todobaadkii hore waxaan idinla wadaagnay in la joojiyay duubista filimka Race 3 oo ka socotay Film City Studio ayadoo Mega Star Salman Khan goobta ciidan ka wadeen loona sheegay inay goobta ku sugan yihiin ragg hubeesan oo rabaan inay xidigaan dilaan.

Salman Khan oo loo digay inuu banaanka usoo baxo ayaa iska dhaga tiran hanjabaadka banaanka kaga imaaneyso wuxuuna maanta amba qaaday duubista heeska magaca filimka Race 3, sidaa darteed goobta heeskan lagu duubayo ciidan fara badan ayaa soo buux dhaafiyeen si amaanka loo adkeeyo.

Heeska Allah Duhai Hai’ ee taxanaha Race caan ku yahay ayaa dib loo casriyeeyay laguna guda jiraa duubistiisa maanta waxaana ka qayb qaadanayaan dhamaan jilaayaasha filimkaan Jacqueline Fernandez, Bobby Deol, Daisy Shah, Saqib Saleem iyo Freddy Daruwala.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dhawaan kooxda Race 3 duubis ka bilaabi doonaan meel ka baxsan Hindiya ayagoo safar ku tagi doonaan Bangkok, Abu Dhabi iyo Dubai kadibna filimkan kooxdiisa Mumbai ayay kusoo laaban doonaan bisha Maarso oo duubistiisa lagu soo gaba gabeyn doono.

Race 3 waxaa la daawan doonaa Eid 2018 oo ku beegan 15 June 2018 waana filim miisaaniyad xoogan xambaarsan si heer sare ahna loo duubayo hadal heyntiisana aad u sareyso.

Facebook Comments