Sunday, March 26, 2023
HomeUncategorisedSoomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyay Guddi wadajir ah oo u kuur...

Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyay Guddi wadajir ah oo u kuur gala muranka xuduudaha labada dal

Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in la sameeyo guddi wadajir ah oo qaabilsan arrimaha amniga iyo xuduudaha.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu faah faahiyay kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay in lagu guddiga wadajirka ay soo diyaarin doonaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaalada dhabta ee ka jirta xuduuda u dhaxeysa labada dal.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo shalay ku tagay magaalada Nairobi ayaa salka ku heysa arrimo labada dal ka dhaxeeya, gaar ahaan xuduuda Barriga iyo Badda.

Inkastoo qoraalkii ka soo baxay Madaxtooyada aan lagu soo hadal qaadin arrinta muranka Badda ee dacwadeeda ay taalo Maxkamadda Hague, hadana Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa dhowaan sheegtay in dowladda Soomaaliya ay kala hadleen in arrintaas wada xaajood ka galeen.

Hase ahaatee Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay in wada xaajood ku saabsan arrinta Badda ay la galayaan, isla markaana kiiska dacwada badda uu weli yaalo Maxkamadda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments