Xiddiga Lionel Messi ayaa guul weyn ku hogaamiyay xulka qarankiisa Argentine kulan ka tirsan kulamada uu xulku isugu diyaarinayo koobka adduunka Russia 2018.
Argentine ayaa dhulka la dhacday xulka qaranka Haiti kuwaas oo ay ku garaacday 4/0 kulan uu Lionel Messi ahaa xiddiga garoonka ugu fiican.
Messi ayaa daqiiqadii 17-aad furay goolasha xulka qarankiisa isaga oo gool u badalay rikoore loo dhigay kooxdiisa ciyaartana ka
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo uu xulka qaranka Argentine ku hogaaminayo 1/0 ciyaarta waliba dhalin karay goolal kale.
Qaybtii dambe ayay saaxiibada Messi si dar-dar leh ku bilowdeen ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal kale oo kulanka ah.
Messi ayaa daqiiqadii 58-aad dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta isaga oo kulanka ka dhigay 2/0 uu xulka Argentina ku hogaaminayo kulanka.