Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Shaaciyey Mowqifka Dowladda Ee Dhismaha Ciidamada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Sanadkii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya hadafka ugu weyn ee horyaallay uu yahay dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Kheyre in marwalba ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan xaquuqda Ciidamada si ay ugu guuleystaan sugida Amniga dalka dalka Guud ahaan.

Waxaan diyaar u nahay in nafteena aan u bixino sida ay naftooda u huray ciidamada qarankooda difaacaya,waxaan diyaar u nahay in aan bixino xaquuqdooda,ciidamadii dalkaan gumeysiga ka xorreeyey maleheyn tababarka ciidankeena ay hadda leeyihiin  sidaasina ay muhiim tahay in ay dalka xoreeyeen ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Sikastaba madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay mudo dhowr bilood ah waxa uu fariisin ka dhigtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaaliya ee Muqdisho si uu dib u habeyn ugu sameeyo Ciidanka,waxana xilligaas uu sameeyey  Shaqa ka fariisin iyo Magacaabis Saraakiisha dhexdooda ah.

Facebook Comments