Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya iney ka feejignaadaan qataraha kaga imaan kara maalgelinta Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Mucaaradka ah ee ku shirsan magaalada Nairobi.
Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in waxa ka socda magaalada Nairobi ay yihiin abaabul dagaal oo ka dhan ah Dowladnimada Soomaaliyeed,islamarkaana aysan ahayn wax dan ugu jirta ummadda Soomaaliyeed loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto.
Wuxuu si gaar ah ula hadlay Ganacsatada Soomaaliyeed ee hantida badan ku heysta dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ineysan marna ogolaan in lacagtooda loo adeegsado duminta Qaranimada Soomaaliya,islamarkaana si geesinimo u diidaan iney hormuud u noqdaan duminta nidaamka Dowladnimo ee Soomaaliya.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya,ayaa sheegay in markii Dowladdii dhexe ee dalka bur burtay wax walba oo dalka uu lahaa ay la bur bureen marka laga reebo ganacsiga Soomaaliyeed,taasi ay ku timid Ammaanada sida uu hadalka u dhigay.
Siyaasiyiin iyo Xildhibaano Mucaarad ku ah Dowladda ayaa abaabul kadhan ah Dowladda Farmaajo waxay ka wadaan magaalada Nairobi.