Diyaaraddo Dagaal oo Xalay Duqeyn iyo Warqaddo Digniin ah ku daadiyay Deegaanno ka tirsan…

Diyaaraddo dagaal ayaa xalay fiidkii waxay duqeyn ka geysteen deegaanka Qalimow oo qiyaastii 60-KM u jira magaallada Caasimadda ah ee muqdisho.

Duqeynta ayaa lala eegtay dagaallamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo shalay la wareegay deegaanka Qalimow waxaana xiliga duqeynta ay dhaceysay ay ku howlanaayeen shabaabka in ay deegaanka ka baxaan sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Dhinaca kale saakay aroortii diyaaraddo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa warqaddo digniin ah waxa ay ku daadiyeen deegaanno ka kala tirsan gobollada shabeellada dhexe iyo shabeellada hoose waxaana ku qornaay in dadka ay ka baxaan deegaannadaas oo shabaab ay maamullaan.

Deegaannada warqaddaha digniinta ah lagu daadiyay waxaa kamid ah, Jambaluul, basra, baqdaad iyo deegaanno kale.

Facebook Comments