DEG DEG: Wasiirka Waxbrashada Xukuumadda Federaalka oo Xilkii Laga Qaaday

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa xilkii wasiirnimo looga qaaday Wasiirka wasaaradda Waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Xilka wasiirnimo ee wasaaradda waxbarashada waxaa si KMG ah usii heynaya Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir.

Lama oga sababta xilka looga qaaday wasiirka Waxbarashada Balse warar ayaa sheegaya in wasiirka uu sababsaday hadal uu dhawaan sheegay oo ku aadana in dowladda aysan Aqoonsaneen jaamacaddaha ku yaala dalka oo ay ku jirto Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo uu Guddoomiye sharafeed ka yahay Madaxweyne Farmaajo.

Facebook Comments