Mid kamid ah dhalinyarada mooto bajaajlayaasha ah oo lagu dilay muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka Boolisa Soomaaliya ayaa Dagmada Waabari ee Gobolka Banaadir waxa uu ku dilay Wiil dhalinyaro Mooto Bajaajle ah.

Askariga iyo wiilka mooto bajaalaha ah waxaa dhexmaray muran xooggan kadib ayuu askariga xabad ku dhuftay wiilka dhalinyarada ah taasi oo sabatay in uu geeriyooday iyadoona askariga uu ka baxsaday goobta uu falka dilka ah ka geestay.

Waxyar kadib markuu dilka dhacay waxaa goobta soo gaaray ciidamada ammaanka oo baaritaan u galay in ay gacanta ku soo dhigaan askariga dilka geestay.

Facebook Comments