Wariye ka tirsanaa Taleefishinka SBS oo Galabta Muqdisho lagu dilay

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaliya ayaa Galabta meel aan ka fogeyn Madaxtooyada Villa Soomalia waxa uu ku dilay Wariye Sawir qaade ahaa oo ka tirsanaa Taleefishinka SBS ee Xaruntiisa dhexe ay ku taalo magaallada London ee Dalka Ingariiska.

Allaha ha u naxaariistee Dilka Abdirizak Kasim Iimaan waxaa uu ka dhacay koontarool ciidan oo ku yaala meel aan ka fogeyn Beerta Nabadda oo kaabiga ku heysa Aqalka laga maamullo dalka.

Dilka Cabdirisaaq wuxuu noqonayaa dhacdadii ugu horreysay ee shaqaale warbaahin ah lagu dilay Soomaaliya sannadkaan 2018. Xaaladda nabadgelyo ee wariyayaashu waxay u muuqatay in ay soo wanaagsanaaneysay qeybtii hore ee sanadkan, laakiin tani waa dib-u-dhac wayn oo muujineysa in Weli ay jirto Qatarta Amni ee saxafiyiinta Soomaaliyeed.

 

Facebook Comments