Calanka Jamhuuriyadda Soomalia oo lagu xardhay waddooyinka waaweyn ee Magaallada Casmara

Diyaar garow lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamad C/llahi Farmaajo  iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa  waxa ay ka socota magaalada Asmara  dalka Eritrea, halkaasoo uga bilaaban doonta booqasho rasmi ah oo qaadan doonta saddex cisho.

Calanka labada dal Eritrea iyo Soomaaliya oo la is garab suray ay ka babanayaan waddooyinka Asmara.waxaana dowladda Eritrea ay diyaarisay soo dhaweyn taariikhi ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Asmara waxa uu wada hadallo la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Eriteriya Mudane Asias Afawerki, waxaana diiradda lagu saarayaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ayaa noqoneysa tii u horeysay oo Madaxweyne Soomaaliyeed ku tagay Eritrea, tan iyo markii uu dalkaas xornimada qaatay sanadkii 1993-dii.

Facebook Comments