Ciidamada Puntland oo Koontaroolka Magaallada Garoowe ku qabtay Nin watay Indho Shareer

Koontaroolka laga soo galo magaallada garoowe waxaa lagu qabtay nin xirnaay indho shareer kaasi oo doonayay in si qarsoodi ah gudaha magaallada usoo galo.

Ciidanka ammaanka puntland ee ku sugan koontaroolka laga soo galo magaallada garoowe ayaa gacanta ku dhigay waxaana loo taxaabay xasbi iyadoo hadda baaritaan uu ku socdo.

Ninkaan indho shareerka soo xirtay ayaa waxaa looga shakiyay in uu doonaayay in falal amni daro ah uu ka geesto magaallada garoowe oo maanta uu ku wajahanyahay Ra’isul wasaraha xukuumadda federaalka mudane xasan cali kheyre.

Facebook Comments