Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedMadaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo Hab Maamuus wanaagsan loogu soo dhaweeyay Magaallada...

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo Hab Maamuus wanaagsan loogu soo dhaweeyay Magaallada Asmara(Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Asmara ku so dhoweeyay madaxweynaha Eritrea Assias Afwerki iyo mas’uuliyiin kale.

Waddooyinka Asmara ayaa lagu xardhay calanka Soomaaliya, booqashada madaxweynaha iyo wafdigiisa darteed. Madaxweyne Farmaajo ayaa Saddex maalmood oo maanta ka bilaabaneysa joogi doona magaalada Asmara.

Boqollaal dad ah oo luxaya calammada labada dal iyo sawirka madaxweyne Farmaajo ayaa jooga hareeraha waddooyinka Asmara.

Labada madaxweyne waxa ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal, iskaashiga iyo xasilloonida gobolka.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo Eritrea tan iyo markii uu dalkaasi madax bannaanidiisa ka qaatay Ethiopia sanadkii 1994-kii.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments