Sawirro: Garoowe oo qaban qaabo xooggan ugu jirta soo dhaweynta Wafdiga Ra’isul wasaare Kheyre

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland Waxaa ka socda qaban qaabada soo dhaweyn balaaran oo loo sameynaayo Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Kheyre oo Maanta ku wajahan Garoowe.

Sawirrada Ra’isul wasaaraha ayaa lagu xardhay waddooyinka magaallada garoowe waxaana inta badan dadku ay hadal haayaan booqashada Ra’isul wasaare kheyre ee Puntland.

Booqashada Ra’isul wasaare kheyre ee Puntland ayaa la sheegay in ay tahay ka qeyb galka sanadguuradii 20-aad ee aas aaskii Puntland,taasi oo ku began 1-da bisha soo socta ee August 2018.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa inta uu joogo Puntland waxaa uu booqan doonaa Magaalooyin ka mid ah puntland,isaga oo ka hirgelin doono mashaariic horumarineyd.

Facebook Comments