Warbixin: Waa sidee tayada jaamacadaha Soomaaliya?

Hadal uu warbaahinta ka sheegay wasiirkii waxbarashada Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa ahaa in wasaaradda aysan aqoonsanayn dhammaan jaamacadaha ka jira Soomaaliya, oo ay xitaa ku jirta jaamacadda ummadda oo ah hay’ad ka tirsan wasaaradda.

Hadalka wasiirka ayaa muran badan dhaliyay, inkasta oo uu dib ka sharxay waxa uu ula jeeday, haddane waxaa loo tirinayaa in uu yahay hadal galaaftay xilkiisii wasiirnimo kadib markii xilka laga qaaday saacado kadib markii uu hadalka sheegay.

Isaga oo u waramayay mid ka mid ah taleefishinada Soomaalida, ayuu yiri Cabdiraxmaan “Anaga ma jirto jaamacad aan aqoonsanahay, waxbarashada ay bixiso iyo qaabka ay u dhisantahay jaamacad aan dhihi karno waan aqoonsanahay ma jirto, sababtoo ah , waan qiyaasaynaa in ay jiraan jaamacaad badan oo shuruudaha soo buuxin kara, laakiin weli maanaan isu imaanin, maanan samaysanin jaangooyadaas __ tayada waxbarashada. Markaan samaysano ayaan oran karnaa tana waan aqoonsanay, tana ma aqoonsanin, oo aan dhihi karno shuruudaha koow illaa afar waa soo buuxisay, xitaa jaamacadda ummada oo ka mid ah jaamacadaha dalka”.

Waa sidee tayada jaamacadaha Soomaaliya?

Macalimiin jaamacadeed

Guud ahaan Soomaaliya waxaa ka jira wax ka badan 60 jaamacadood, kuwaas oo labo jibaar ka badan tirada jaamacadaha ee ku yaala dalka dariska ah ee Kenya iyo xitaa Itoobiya.

Daraasad uu sameeyay mac-hadka cilmi baarista Heritage ee Muqdisho ku yaala sanadkii 2013-kii ayaa waxaa lagu waraystay 44 jaamacadood oo ku yaala inta u dhaxaysa Hargeysa illaa Kismaayo.

Tirada ardayda ee jaamacadahaas dhigtay xiligaas waxa ay ahaayeen 51,471 arday sida daraasadda lagu sheegay. Waxaana dhigaysay macalimiin dhan 2501 oo ka dhigan in 21 arday oo kasta uu kusoo aadayo hal macalin.

Jaamacadihii daraasadda lagu sameeyay 68% waxa ay bixinayeen maaddooyinka kombuyuutar (computer)-ka la xiriira, balse waxaa la yaab lahayd waxaan layaab ahayn in 15% kamid ah guud ahaan ardayda dhigata jaamacadaha ku yaal koonfurta-bartamaha, Soomaaliland iyo Puntland ay ka diiwaan gashan yihiin kulliyadaha la xiriira computer-ka.

Daraasadda waxaa kale oo lagu ogaaday in baaxadda cilmi baariseed iyo bandhig qoraallada jaamacadaha dalka oo idil ayaa aad u hooseeya. 15 kamid ah 44-ta jaamacadood ee la daraaseeyay ayaa sheegatay in ugu yaraan ay ka qayb qaataan hal bandhig qoraaleed (academic publication).

Qodobkaas waa mid weli taagan 4 sano kadib xilliga daraasadda la sameeyay sida uu sheegayo Prof Ibraahim Bursaliid oo BBC-da uga warbixiyay shir caalami ah oo tacliinta sare ku saabsan oo shalay lagu soo gabogabeeyay Muqdisho.

“Waxaa xoogga la’isla saaray heerka tayada, in liidasho ay jirto, laakiin soo kabasho fiicana ay jirto, in waxoogaa ku jiro habac ah gudaha iyo dibedda aysan jirin wax isu dheelitirnaan ah.

Maxay yihiin caqabadaha haysta?

Sida lagu sheegay daraasadaas Heritage, caqabadaha iyo culaysyada soo food saara hey’adaha waxbarashada sare (HWS) ee dalka ayaa waxay isugu jiraan kuwo la xiriira amni xumo, tayo darro guud oo hay’adeed, shaqaalaha ay haystaan iyo kaabayaasha ay ku hawl-galaan oo aan tayaysnayn, dhaqaalaha oo aad u xaddidan iyo agab-kii wax lagu baran lahaa oo aanay haysan ama aan ku filnayn daboolidda baahida loo qabo.

Daraasadda ayaa intaas ku daraysa “Ku dhawaad dhammaan jaamacadaha la waraystay (96%) waxay sheegeen in yaraanta agab-ka wax barrida ay tahay caqabadda labaad ee ugu weyn, halka (89%) ay sheegeen in maqnaanshaha aasaaska nidaamkii jaamacadeed oo dhisan uu yahay caqabad weyn, qalabkii wax lagu baran lahaa ama lagu bari lahaa-ba oo aad u yar ayaa ah baahi kale oo (89%) ay qabaan, shaqaale jaamacadeed oo tayo leh una tababaran ayaa iyadana in la helo ay ku dhib badan tahay, sidoo kale (89%) ayaa iyaguna ku cawday inaysan jirin shaqaale maamul oo tayo leh, (86%), dhismayaal iyo xarumo jaamacadeed la’aan ayaa waxaa ka sheegtay (73%), manhaj waxbarasho oo horumarsan iyaa isagana ka mid ahaa caqabadihii ay ka sheegteen 18% jamacadihii lala kulmay”.

Maxaa xalka ah?

Prof Bursaliid waxa uu sheegay in shirkii tacliinta sare ee Muqdisho si fiican looga hadlay baahida loo qabo in la horumariyo jaamacadda ummadda, kuwa gaarka loo leeyahayna la tayeeyo.

Daraasadda Heritaga ayaa sidoo kale kula talisay dowladda federaalka sidan “Kala shaqee ururrada iyo dalladaha waxbarasho ee dalka ka jira sidii loo sameyn lahaa siyaasad qaran oo midaysan kuna beegan nidaamka waxbarashada sare ee dalka, gacanna ka geyso horumka”.

Waxaa kale oo dowladda loogu baaqay in la sameeyo Golaha Waxbarashada Sare oo kormeer iyo qiimeyn ku sameeya tayada waxbarashada.

Si kastaba ha ahaatee, iyada oo dowladda Soomaaliya ay dhawaan markii koowaad daabacday qeyb ka mid ah manhajka waxbarashada dugsiga hoose, ayaa waxaa muuqda in lagu loo jeedsanayo dhanka waxbarashada oo muddo dheer ahayd moowduuc aanan aad looga hadlin.

Facebook Comments