Kadib wixii ka dambeeyay markii ciidanka xasilinta laga wareejiyay ammaanka caasimadda oo dhaliilo xooggan ay ka yimaadeen habka ay howshoodu aheyd iyo is qab qabsi xooggan oo dhawaanahaabna ka dhexjiray hoggaanka sare ee hey’adda NISA ayaa xalay waxaa muqdisho ka dhacay isbeddelo waaweyn oo loo qaaday habka sugitaanka ammaanka xamar.
Guud ahaan waxaa la baabi’iyay Taliskii Ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir oo ahaa ciidan muuqday oo wata qoryo iyo gaadiid dagaal.
Nabad-sugidda gobolka Banaadir ayaa hadda kadib noqon doonta kaliya kuwa dharcad ah, oo aan muuqan, kana shaqeeya arrimaha sirdoonka.
Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) oo ahaa Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir halka Jen. Axmed Xasan Maalin oo ahaa Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir isna loo wareejiyay Taliska qeybta Guud ee Taraafikada Gobolka Banaadir.
Ra’isul wasaare xasan cali kheyre ayaa la sheegay in qorshahaan cusub uu ka dambeeyo waxaana la filaya in dhawaan la mideeyo talisyada Nabad sugidda iyo Booliska si wada shaqeyn buuxda ay u dhexmarto.