Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedRa'isul Wasaare Kheyre iyo Wafdi uu horkacaayo oo Garoowe Lagu soo Dhaweeyay(Sawirro)

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Wafdi uu horkacaayo oo Garoowe Lagu soo Dhaweeyay(Sawirro)

Magaallada Garoowe ee dowlad goboleedka Puntland waxaa goordhaw gaaray Ra’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminaayo halkaasi oo la qorsheynaayo in shirka golaha wasiirada dowladda Federaalka uu ka qabsoomo.

Sidoo kale Ra’isul wasaaraha ayaa ka qeyb galaya munaasabadda 20-guurradii ka soo wareegtay aas aaska dowlad goboleedka Puntland oo ku beeggan 1-da August, Mashaariic horumarrineed ayuu sidoo kale kaa daah furi doonaa deegaanno Puntland ka tirsan.

Hoggaamiyaha Maamulka Puntland Cabdi wali Maxamad Cali Gaas iyo xubno maamulkiisa ka tirsan ayaa Ra’isul wasaaraha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha Magaallada Garoowe.

Hadda Kheyre iyo Gaas waxa ay kulan ku leeyihiin Madaxtooyada Puntland ee Garoowe waxaana la filaya in goordhaw si wadajir ah ay warbaahinta ula hadlaan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments