Gudigga Madaxa Banaan ee Xuduudaha oo Kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa maanta xafiiskiisa  kulan kula qaatay gudigga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo federaalka ee Qaranka.

Guddoomiyaha Gudigga madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo federaalka Mudane Khaliif Cabdikariin Mohamed ayaa waxaa uu guddoomiyaha Barlamaanka ugu warbixiyay howlaha u qabsoomay gudigga mudada ay jireen.

Sidoo kale, mudane Khaliif Cabfikariin Maxamed, ayaa sharaxaad ka bixiyay howlaha ay rabaan in ay ka qabtaan arrimaha Xuduudaha iyo Federaalka maadaama ay hadda meel wanaagsan marayaan Shaqooyinkaasi.

Dhanka kale, guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa Guddiga u balan qaaday wada shaqeyn joogta ah in ay yeelan doonaan Xafiisyada Barlamaanka iyo Kan gudiga Xuduudaha, Waxaan uu Ku dhiira galiyay in ay dardar galiyaan howlaha dhameystirka ah uga Baahan gudigga Xuduudaha iyo Federaalka

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kula dardaarmay in ay Xoojiyaan Sidoo kalena ku dadaalaan gudiga waajibaadkoosa qaran ee loo igmaday isla markaana la soo wadaagaan warbixinadooda gudiyadda Joogtada ee Barlamaanka Soomaaliya.

Facebook Comments