Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedIGAD oo Muwaadin Soomaaliyeed u magacoowday Xilkii laga ceyriyay Gen Gabre

IGAD oo Muwaadin Soomaaliyeed u magacoowday Xilkii laga ceyriyay Gen Gabre

Urur goboleedka IGAD ayaa la taliye sare u magacaabay Muwaadin soomaaliyeed oo lagu magacaabo Nuur Maxamed Sheekh.

Nuur Maxamed Sheekh waxaa loo magacaabay La-taliyaha Sare ee Xoghayaha Guud ee Urur-gobaleedka IGAD ee Arrimaha Siyaasadda ee dalka Koonfurta Suudaan.

Nuur Maxamed Sheekh oo ah Soomaali haysta dhalashadda dalka Britain, kana soo jeeda magaalladda Baraawe ayaa waxa uu sheegay inuu bishan July 2-dii Tartan u galay Xilka cusub ee La-taliyaha Xoghayaha Guud ee IGAD ee Arrimaha Siyaasadda dalka Koonfurta Suudaan, isla markaana uu Kaalinta Koowaad ka galay dadkii imtixaanka u galay Xilkaasi.

“Markii uu Kolonel Gabre ka tagay  IGAD, waxaa la soo bandhigay inuu Xilkaasi bannaan yahay, kadibna, waxaan Imtixaan la galay Tartamayaal ka kala socday dalalka xubnaha ka ah IGAD. Waxaa Wareysi la ila yeeshay bishii July 2-dii, Waxaana noqday qofkii ugu sarreeyey Tartamayaashii kale ee doonaysay Xilkaasi” ayuu yiri Nuur Maxamed Sheekh.

Hawsha La-taliyaha waxay doorkiisa noqonaysa La-talinta Ergayga IGAD EE Koonfurta Suudaan ee horumarinta dhinaca  Siyaasadda ee dalkaasi iyo guud ahaan Gobalka iyo inuu dhamaan qeybaha ay khuseyso Arrimaha Koonfurta kala shaqeeyo sidii loo hubin lahaa inay si hagaagsan u socdaan Geeddi-socodka taageeradda ka geysanaya hirgelinta Natiijadda soo baxa iyo Heshiiska socda ee dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, La-taliyaha Cusub ee IGAD ugu qaabilsan Arrimaha dalka Koonfurta Suudaan, Nuur Maxamed Sheekh oo ah Soomaali haysta dhalashadda dalka Britain waxa uu ku dhashay magaalladda Baraawe ee Gobalka Sh/hoose, waana Mas’uulkii ugu horreeyey oo Soomaali ah oo Xil Sare ka qabta Urur-gobaleedka IGAD oo la asaasay bishii Janaayo ee sannadkii 1986-kii.

Gen Gabre oo horay looga eryay IGAD howlihii diblomaasiyadeed ee uu Ururka ugu magacownaayna waalaga ruqseeyay kadib dhaliilo badan iyo soo jeedin lagu dalbanaayo in shaqada IGAD laga ruqseyo.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments