Connect with us

Warar

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuummadda Oo Kormeeray Xarunta Wasaaradda Caafimaadka

Published

on

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta kormeeray xarunta wasaaradda caafimaadka dalka, ayaa kulan xog-waraysi ah la qaatay wasiirka iyo wasiir ku-xigeenka Wasaaradda.

Wasiirka caafimaadka XFS Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uga war-bixisay hannaanka ay u socdaan hawlaha wasaaraddu ay u hayso bulshada Soomaaliyeed, waxyaabaha u qabsoomay iyo qorshayaasha horumarinta caafimaadka ee wasaaradda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku amaannay wasiirka, wasiir ku-xigeenka, agaasimaha guud iyo dhammaan shaqaalaha wasaaaradda caafimaadka shaqada ay hayaan, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii laba jibbaaraan si loogu guulaysto tayaynta caafimaadka dalka loona wanaajiyo bed-qabka ummadda Soomaaliyeed.
“Kormeer shaqo ayaan maanta ku tegay wasaaradda caafimaadka, waxa aan la kulmay wasiirka iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda, waxa aan indhaheyga kusoo arkay hawsha wanaagsan ee ka socota”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalku.

“Kormeerkaan waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagula soconayo gudashada xilka iyo waajibaadka saaran wasiirrada. Waxa aan u hambalyaynayaa wasiirrada sida wanaagsan ee ay u shaqeynayaan waxa aan leeyahay halkaas kasii wada kormeerraduna waa sii socon doonaan”, ayuu hadalkiisa raaciyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa howlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u yaalla.

Warar

Guddoomiyaha Gobolka ayaa cambaareyey falalka lagu bartilmaamsado shaqaalaha gargaarka

Published

on

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey in ay kaalinteeda ka qaadato qorsheyaasha dib u dajinta loogu sameynayo barakacayaasha ku dhaqan Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa hadal jeedintiisa ku aaddanayd Maalinta Caalamiga ah ee Gargaarka Bani’aadannimo waxa uu kaga warbixiyey dadaallada joogtada ah ee Maamulka Gobolku uu ugu jiro xallinta dhibaatooyinka Bani’aadannimo ee ay la nool yihiin barakacaayasha ku dhaqan Gobolka Banaadir.

“Gobolka Banaadir waxaa ku nool in ka badan 500,000 oo barakacayaal ah, waana deegaanka ugu badan Soomaaliya ee barakacayaal ay ku nool yihiin. Marti gelinta tirada intaas le eg waxa ay u baahantahay dadaal joogta ah iyo wada shaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Hay’adaha Gargaarka Caalamiga ah, Dawladda Dhexe iyo Maamulka Gobolka.”

Eng.Yarisow ayaa cambaareyey falalka lagu bartilmaamsado shaqaalaha gargaarka, maadama ay wakhtigooda iyo nolashoodaba u hibeeyeen gurmadka dadka dhibaateysan.

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu siidaayo kalkaaliso Sonja Nientiet oo bartamaha sannadkan ay koox hubaysan ku afduubatay magaalada Muqdisho, iyadoo ku howllaneyd u adeegidda dadka dhibaateysan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ayaa uga mahad celiyey dhammaan howlwadeennada arrimaha gargaarka ee ku soo dhiirraday in ay dadka Soomaaliyeed wax u qabtaan xilliyadii adkaa ee dalku soo maray.

Munaasabadda lagu qabtay magaalada Muqdisho ee lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Bani’aadaminimada waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa, Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada Qaramada Midoobey Mudane Peter de Clercq, Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Caroline Van Buren, saraakiil ka tirsan Hay’adaha Qaramada Midoobey, Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Continue Reading

Warar

Daawo: Puntland oo Wacad ku martay in Tukaraq ay dagaal Culus kula wareegeyso

Published

on

Continue Reading

Warar

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Hay’adaha Garoorka, Cadaaladda Laamaha Amniga

Published

on

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta taliska booliiska Soomaaliyeed kula shiray wasiirka amniga, dhammaan hay’adaha garsoorka, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaalinta, garyaqaanka, guddoomiyaha gobalka Banaadir, taliyaha ciidanka Asluubta iyo dhammaan taliyaasha cadaaladda iyo garsoorka, taliyaha booliiska Soomaaliyeed iyo taliyaha booliiska gobalka Banaadir.

Shirkaan oo billaaw u ah kulamo bille ah oo looga hadlayo garsoorka iyo cadaallada ayaa muhiimmaddiisa ugu wayn waxa ay ahayd in laga wada tashado xallinta cabashooyin cadaaladeed oo ay qabeen bulshada Soomaaliyeed, horumarinta cadaalladda iyo hannaanka ay wada shaqayn buuxda u yeelan karaan garsoorka, cadaalladda iyo booliiska, si xukun caddaalad ah uu dhoco, si cadaallad ahna loogu fuliyo.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa hay’adaha garsoorka, caddaaladda iyo taliska booliiska ku dhiirri geliyay in ay qabtaan shaqo saxan, hufan, daacad ah daah furan si loo soo celiyo kalsoonida iyo aaminaadda shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaneen dawladooda.

Taliyaha booliiska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo natiijada shirka ka war bixiyay ayaa sheegay in shirarka soo socda lagu soo bandhigi doono horummarrada caddaaladeed ee laga gaaray qodobada kulankii maanta la iskula gartay iyo caqabadaha jira si xal looga gaaro oo looga dhabeeyo Barnaamijka dawladda oo ah in bulshada Soomaaliyeed ay helaan hannaan caddaaladeed loo simanyahay.

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyay

%d bloggers like this: