Ma aqaan Sababta Isimida Puntland iyo Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ay kheyre ugu dhaliilayaan Maxaad u dhagax dhigi weyday Dekedda Garacad.
Siyaasiyiin iyo Waxgarad Puntland kasoo jeeda ayaa Waxa ay sheegeen in lagu qancin waayay Kheyre in uu taggo degaanka Garacad ee gobolka Mudug oo uu dekedda Dhagax dhigo balse taasi kheyre uu diiday.
Garacad ayaa ku taalla Gobolka Mudug oo dhawaan laga dhagax dhigay Dekada Hobyo oo qorshaha dhismaheeda uu socdo waxaana qorshahaan Garacad deked loogu sameynaayo dadka qaar ay ku sheegayan in lagu cuuryaaminaayo dhismaha dekedda Hobyo ee Maamulka Galmudug.
Waxaa jira Odayaal iyo Siyaasiyiin kale oo Gobolka Mudug ka soo jeeda kuwaasi oo qaba fikirka ah in marka hore dowladda dhexe ay xoogga saarto sidii dekeddo loogu sameyn lahaa Maamullada aan dekeddaha laheyn sida Galmudug iyo Hirshabeelle.