Dowladda Jabuuti oo soomaalia saaxiib dhaw la ah garab iyo gaashaanna u aheyd 27-kii sanno ee bur burka iyo dagaallada sokeeye aan ku jirnay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay baaqii dhawaan ka soo yeeray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee ahaa in cunaqabateynta hubka laga qaado Eritrea oo Djibouti colaad aan weli xal laga gaarin kala dhaxeyso.
Ka hor imta uusan saakay muqdisho ka dhoofin Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomalia waxaa safaaraddu ay soo saartay War-saxaafadeed ay uga hadleyso hadalka madaxweyne Farmaajo waxaana kamid ah qoraalka war-saxaafadeedka…
“ Dowladda Jabuuti waxay aad uga naxday hadalkii madaxweyne Farmaajo uu sheegay intii uu ku guda jiray safarkii uu ku tagey Asmara kaasoo uu ugu baaqay qarama-midoobay inay ka qaadaan cunna-qabateynta la saaray Eriteria tan iyo sanadkii 2009kii kaddib markii ay xasillooni darro ka abuurtay dowladaha la deriska ah gaar ahaan taageerada ay siiso kooxda Alshabaab iyo muran dhuleedka kala dhaxeeya Jabuuti.
“Waxaa u wanaagsaneyd madaxweyne Farmaajo inuu warkiisa ku xuso dhibaatada ka taagan xuduudda Jabuuti ay la wadaagto Eriteria kuna boorriyo Eriteria in wadahadal nabadeed lagu xalliyo murankaas”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho.
“Uma dul-qaadan doonno wadahadallo naxariis-darro ah iyadoo wiilasheenna iyo gabdhaheennu ay wali Soomaaliya u joogaan inay difaacaan nabadda iyo xasilloonida” ayaa sidoo kale lagu yiri warka safaaradda jabuuti ka soo baxay.