Madaxweyne Maxamad C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda uu booqasho ku tago Dalka Suudaan.
Madaxweyne Farmaajo oo Casuumaad Rasmi ah ka helay Dhiggiisa Dalka Suudan Cumar Al-bashiir ayaa booqanaya Magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Sudan.
Madaxtooyada Soomaalia ayaa xaqiijisay socdaalka madaxweyne Farmaajo ee Khartoum waxaana uu ka qeyb geli doono munaasabadda heshiiska Madaxweynaha Koofurta Sudan iyo kuxigeenkiisa oo ka dhacaya Khartoum.