Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Difaaca UK Gavin Williamson oo Caasimadda Muqdisho ku yimid booqasho aan horay loo sii shaacin.
Xoghayaha Difaaca UK Gavin Williamson ayaa sidoo kale la kulmay Wasiirka Difaaca Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe), Taliyaha Xoogga dalka C/weli Jaamac Gorod, Taliyaha AMISOM, iyagoo ka wada hadlay arrimaha ammaanka iyo taageerida UK.