Connect with us

Warar

Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo Xukuntay Hoggaamiyeyaal Kooxda Daacish ka tirsan

Published

on

Dhowr fadhi ayay soo martay heerarka maxkamadeynta labadan horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish kuwooda  dhibka ka wado Soomaaliya.

Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin  oo ah eedeysanaha  1-aad ayaa loo heystaa in uu  ku mashquulsanaa aas-aasidda  koox daacish ah kuwaasi oo ka howl-geli lahaa Koonfurta Soomaaliya, waxa uu xilligaas khilaaf kala dhexeeyay ninka ugu sareeyo daacish kuwooda jooga Soomaaliya ee Cabduqaadir Muumin

Maxamed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr raage) ayaa  loo heystay in uu ahaa Horjoogaha Caafimaadka, waxa uu sidoo kale ahaa u qaabilsanihii xagga soo uruurinta lacagaha ay dibadda ka helaan,  waxaa  si gaar ah eeddiisa loogu muujiyay sida uu ugu gamban jiray ka ganacsiga Daawooyinka ee markiisii hore ka bilowday  Suuqa Bakaaraha.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee  Ciidamada Qalabka Sida ayaa u akhriyey warbaahinta xukunka ay ka soo saareen labada horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish.

dood dheer ka dib,Maxkamada Ciidamada Qalabka sida markii ay aragtay dambi muujinta iyo cadeymaha la horkeenay waxay eedeysanayaasha kala ah Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin iyo Maxamed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr raage) ku xukuntay mid 15-sano oo xabsi ciidan ah,waxayna Maxkamaddu intaasi raacisay in ciddii ku qanacsaneyn xukunka u furan tahay racfaan.

Eedeysanaha 1-aad ee la xukumay ayaa isaga heysta dhallasha Ruushka,  magaca Abuu-Yaasiin waa wiil ay u dhashay gabar Church Nia, waxa uu sidoo kale qeyb ka mid ah noloshiisa ku soo qaatay waddanka Syria, halka Dr Raage uu ahaa madaxa caafimaadka, waxa uu sidoo kale qeyb kamid ah noloshiisa ku soo qaatay Dalka Koonfur Afrika iyo ka  mid ahaanshiyaha malleeshiyada Al-Shabaab

Warar

Guddoomiyaha Gobolka ayaa cambaareyey falalka lagu bartilmaamsado shaqaalaha gargaarka

Published

on

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey in ay kaalinteeda ka qaadato qorsheyaasha dib u dajinta loogu sameynayo barakacayaasha ku dhaqan Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa hadal jeedintiisa ku aaddanayd Maalinta Caalamiga ah ee Gargaarka Bani’aadannimo waxa uu kaga warbixiyey dadaallada joogtada ah ee Maamulka Gobolku uu ugu jiro xallinta dhibaatooyinka Bani’aadannimo ee ay la nool yihiin barakacaayasha ku dhaqan Gobolka Banaadir.

“Gobolka Banaadir waxaa ku nool in ka badan 500,000 oo barakacayaal ah, waana deegaanka ugu badan Soomaaliya ee barakacayaal ay ku nool yihiin. Marti gelinta tirada intaas le eg waxa ay u baahantahay dadaal joogta ah iyo wada shaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Hay’adaha Gargaarka Caalamiga ah, Dawladda Dhexe iyo Maamulka Gobolka.”

Eng.Yarisow ayaa cambaareyey falalka lagu bartilmaamsado shaqaalaha gargaarka, maadama ay wakhtigooda iyo nolashoodaba u hibeeyeen gurmadka dadka dhibaateysan.

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu siidaayo kalkaaliso Sonja Nientiet oo bartamaha sannadkan ay koox hubaysan ku afduubatay magaalada Muqdisho, iyadoo ku howllaneyd u adeegidda dadka dhibaateysan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ayaa uga mahad celiyey dhammaan howlwadeennada arrimaha gargaarka ee ku soo dhiirraday in ay dadka Soomaaliyeed wax u qabtaan xilliyadii adkaa ee dalku soo maray.

Munaasabadda lagu qabtay magaalada Muqdisho ee lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Bani’aadaminimada waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa, Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada Qaramada Midoobey Mudane Peter de Clercq, Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Caroline Van Buren, saraakiil ka tirsan Hay’adaha Qaramada Midoobey, Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Continue Reading

Warar

Daawo: Puntland oo Wacad ku martay in Tukaraq ay dagaal Culus kula wareegeyso

Published

on

Continue Reading

Warar

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Hay’adaha Garoorka, Cadaaladda Laamaha Amniga

Published

on

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta taliska booliiska Soomaaliyeed kula shiray wasiirka amniga, dhammaan hay’adaha garsoorka, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaalinta, garyaqaanka, guddoomiyaha gobalka Banaadir, taliyaha ciidanka Asluubta iyo dhammaan taliyaasha cadaaladda iyo garsoorka, taliyaha booliiska Soomaaliyeed iyo taliyaha booliiska gobalka Banaadir.

Shirkaan oo billaaw u ah kulamo bille ah oo looga hadlayo garsoorka iyo cadaallada ayaa muhiimmaddiisa ugu wayn waxa ay ahayd in laga wada tashado xallinta cabashooyin cadaaladeed oo ay qabeen bulshada Soomaaliyeed, horumarinta cadaalladda iyo hannaanka ay wada shaqayn buuxda u yeelan karaan garsoorka, cadaalladda iyo booliiska, si xukun caddaalad ah uu dhoco, si cadaallad ahna loogu fuliyo.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa hay’adaha garsoorka, caddaaladda iyo taliska booliiska ku dhiirri geliyay in ay qabtaan shaqo saxan, hufan, daacad ah daah furan si loo soo celiyo kalsoonida iyo aaminaadda shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaneen dawladooda.

Taliyaha booliiska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo natiijada shirka ka war bixiyay ayaa sheegay in shirarka soo socda lagu soo bandhigi doono horummarrada caddaaladeed ee laga gaaray qodobada kulankii maanta la iskula gartay iyo caqabadaha jira si xal looga gaaro oo looga dhabeeyo Barnaamijka dawladda oo ah in bulshada Soomaaliyeed ay helaan hannaan caddaaladeed loo simanyahay.

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyay

%d bloggers like this: