Hooyada dhashay hogaamiyihii iyo Aas aasihii ururka Al-Qaacida ee la dilay Osama bin Laden ayaa markii ugu horreeysay ka soo muuqatay warbaahin iyadoo ka hadashay dilka wiilkeeda iyo sababta wiilkeeda uu u noqday hoggaamiye adduunka oo dhan laga doon doonaayay.
Alia Ghanem oo u warantay wargeysa the Guardian ayaa sheegtay in wiilkeeda lagu xagjireeyay dalka sacuudiga isagoo xiligaa jaamacad dhiganaayay.
Balse hooyadii ayaa sheegtay in uusan waligii u sheegin waxyaabaha uu samaynayo sababtoo ah aad ayuu u jeclaa hooyadii.
“Waxaan labo jeer sanadkaa kula kulanay saldhig ciidan oo ku yaal meel ku dhow magaalada Kandahar kaasoo ay ka qabsadeen ciidamada Ruushka.”ayay tiri Ghanem.
Osama bin laden ayaa amray in la bur buriyo daarihii ganacsiga ee mataanaha ahaa ee dalka Mareykanka 9/11, 2001 waxaana isna lagu dilay dalka Pakistan May 2, 2011.