Sunday, March 26, 2023
HomeUncategorisedCiidanka Booliska oo xabsiga dhigay Kaaliye ka tirsanaa Maxkamadda G. Banaadir oo...

Ciidanka Booliska oo xabsiga dhigay Kaaliye ka tirsanaa Maxkamadda G. Banaadir oo lagu eedeeyey Laaluush

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xabsiga dhigay Kaaliye ka tirsanaa Maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu eedeeyey qaadasho laaluush.

Amar ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu xiray Cabdul Qaadir C/llahi Xasan Shaango, waxaana lagu samaynayaa baarista ku xusan qodobka 246-ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka 240-kiis oo ku aadan musuq iyo wax isdabamarin, kuwaas oo marka baaristoodu soo dhamaato dadka ku eedaysan cadaaladda la hor keeni doono.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments