Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo ayaa saakay u ambabaxay Magaalada Kharoum ee Dalka Sudan halkaasi oo uu kaga qeyb gali doono Munaasabadda lagu shaacinaayo heshiiska nabadeynta koonfurta suudaan.
Madaxweyne Farmaajo oo la qorsheynaayay in uu isaga u ambabaxo Khartoum ayaa ka baaqday waxaana bedelay Ra’isul wasaare kheyre.
Maalin ka hor ayay aheyd markii la faafiyay warqad ku qornaa afka Carabiga oo ahaa liiska wafdiga Madaxweynaha u raaci lahaa Sudan, balse markii dambe la hakiyay.