Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedDowladda Kenya oo Geel la tababaray uga hortageysa Weerarrada Alshabaab

Dowladda Kenya oo Geel la tababaray uga hortageysa Weerarrada Alshabaab

Booliska dalka Kenya ayaa shaaciyay in la tababaray 50 Neef oo Geel ah, waxa ay ka mid noqonayaa Gaadiidka Booliska Dalka Kenya.

Geela ayaa loo tababaray qaabka loogu adeegsanayo sugidda amniga sohdimaha,waxaana adeegsan doona Ciidamada ilaalada Sohdinta ay ku muransan yihiin Booranta iyo Soomaalida ee gudaha Kenya.

Sidoo kale Gaadiidka cusub ee Geela waxaa adeegsanaya Ciidamada Kenya ee jooga Sohdinta Soomaaliya iyo Kenya ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Booliska waxaa ay sheegeen in Qaraxyada Gaadiidka lala beegsado ay labadii sano ee la soo dhaafay ku dhinteen 70 Saraakiil Booliska Kenya ah kaddib markii Gawaaridii ay wateen Qaraxyo lala beegsaday.

Aragtidan cusub ee Geela loogu adeegsanayo kormeerka amniga Gobolka Waqooyi Bari Kenya waxa ay dowladda Kenya ka keentay dalalka India, Australia iyo New Zealand.

Saldhigga 50ka Nee fee Geela ah waa degaanka Isiolo,waxaana si maalinle ah loogu adeegsan doonaa ka hortagga weerarrada u dhaxeeya Soomaalida iyo Booranta iyo weerarrada Al-shabab ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments