Ugu Yaraan Sagaal Ruux oo Soomaali ah kana soo jeeda Dalka Jabuuti ayaa lagu dilay Magaalada Diridhaba kadib isku dhacyo dhexmaray Qowmiyadaha.
Dadka la dilay waxaa ku jira hooyo iyo Caruur ay dhashay waxaana la soo warinaya in dhibaatada ay u talowday dhinaca dalka Jabuuti oo halkaa lagu dhaawacay labo ruux oo Oromo ah.
Iskudhacyadan cusub ee u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa la sheegayaa inay ka dhasheen qalalaasihii Sabtidii ka dhacay magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.