Taliyihii Saldhigga Dagmada Warta nabadda oo loo xiray Qaadasho Lacag Laaluush ah

Taliyaha Saldhigga Booliska Dagmada Warta nabadda iyo Saraakiil kale oo Xabsiga a dhigay Kadib Markii lagu eedeeyay in ay qaateen lacago Laaluush ah.

Gaashaanle Dhaxe Cabdirisaaq Soomane Xuseen oo ahaa taliyaha Ciidanka Boliska saldhigga degmada Wartanabadda iyo Alifle Cabdi Cumar Isaaq oo ahaa taliyaha Baarista Dambiyada Saldhiga iyo Kormeera Cabdifitaax Maxamuud Cabdi ayaa dhamaantood la dhigay xabsi waxaana kiiskooda loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa markii ay soo gaartay eedda ka dhanka ah eedeysanayaasha, waxa ay   maalin kadib horgeeyeen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xeer Ilaalinta ayaa weydiisatay garsoorayaasha in la xiro si’ ay u soo dhameystiraan  cadeymaha eedda loo heysto  Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen oo ahaa taliyaha  Boliska saldhiga  degmada Wartanabadda  iyo labada askari ee kala tirsanaa saldhiga degmada Warta-nabadda.

Facebook Comments