Connect with us

Warar

Baarlamaanka Jubbaland oo ku baaqay in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda…

Published

on

Baarlamaanka dowlad Goboledka Jubbaland ayaa Maanta waxa ay baaq nabadeed ka soo saareen dagaal laba beelood ku dhexmarey duleedka Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Guddi laga soo xulay Baarlamaanka Jubbaland,isla markaana loo xilsaarey xalinta dagaalka dhexmaray labada beelood ayaa si wada jir ah baaq ugu direen Bulshada,Culumaa`udiinka,Waxgaradka iyo Dhalinyarada labada beelood in si shuruud la,aan ah loo joojiyo dagaalka.

Xildhibaan Maxamed Col-U Joog Faarax iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Yuusuf oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sidoo kale baaq u direen Madaxda  Jubbaland gaar ahaan Hey`adaha Amniga in ay sii wadaan isla markaasina ka qayb qaatan xalinta iyo nabadeynta labadan beelood ee walaalaha ah.

Dagaalkii ka dhacay duleedka Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo badi gaarey dadka Shacabka ah.

Warar

Guddoomiyaha Gobolka ayaa cambaareyey falalka lagu bartilmaamsado shaqaalaha gargaarka

Published

on

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey in ay kaalinteeda ka qaadato qorsheyaasha dib u dajinta loogu sameynayo barakacayaasha ku dhaqan Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa hadal jeedintiisa ku aaddanayd Maalinta Caalamiga ah ee Gargaarka Bani’aadannimo waxa uu kaga warbixiyey dadaallada joogtada ah ee Maamulka Gobolku uu ugu jiro xallinta dhibaatooyinka Bani’aadannimo ee ay la nool yihiin barakacaayasha ku dhaqan Gobolka Banaadir.

“Gobolka Banaadir waxaa ku nool in ka badan 500,000 oo barakacayaal ah, waana deegaanka ugu badan Soomaaliya ee barakacayaal ay ku nool yihiin. Marti gelinta tirada intaas le eg waxa ay u baahantahay dadaal joogta ah iyo wada shaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Hay’adaha Gargaarka Caalamiga ah, Dawladda Dhexe iyo Maamulka Gobolka.”

Eng.Yarisow ayaa cambaareyey falalka lagu bartilmaamsado shaqaalaha gargaarka, maadama ay wakhtigooda iyo nolashoodaba u hibeeyeen gurmadka dadka dhibaateysan.

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu siidaayo kalkaaliso Sonja Nientiet oo bartamaha sannadkan ay koox hubaysan ku afduubatay magaalada Muqdisho, iyadoo ku howllaneyd u adeegidda dadka dhibaateysan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ayaa uga mahad celiyey dhammaan howlwadeennada arrimaha gargaarka ee ku soo dhiirraday in ay dadka Soomaaliyeed wax u qabtaan xilliyadii adkaa ee dalku soo maray.

Munaasabadda lagu qabtay magaalada Muqdisho ee lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Bani’aadaminimada waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa, Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada Qaramada Midoobey Mudane Peter de Clercq, Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Caroline Van Buren, saraakiil ka tirsan Hay’adaha Qaramada Midoobey, Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Continue Reading

Warar

Daawo: Puntland oo Wacad ku martay in Tukaraq ay dagaal Culus kula wareegeyso

Published

on

Continue Reading

Warar

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Hay’adaha Garoorka, Cadaaladda Laamaha Amniga

Published

on

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta taliska booliiska Soomaaliyeed kula shiray wasiirka amniga, dhammaan hay’adaha garsoorka, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaalinta, garyaqaanka, guddoomiyaha gobalka Banaadir, taliyaha ciidanka Asluubta iyo dhammaan taliyaasha cadaaladda iyo garsoorka, taliyaha booliiska Soomaaliyeed iyo taliyaha booliiska gobalka Banaadir.

Shirkaan oo billaaw u ah kulamo bille ah oo looga hadlayo garsoorka iyo cadaallada ayaa muhiimmaddiisa ugu wayn waxa ay ahayd in laga wada tashado xallinta cabashooyin cadaaladeed oo ay qabeen bulshada Soomaaliyeed, horumarinta cadaalladda iyo hannaanka ay wada shaqayn buuxda u yeelan karaan garsoorka, cadaalladda iyo booliiska, si xukun caddaalad ah uu dhoco, si cadaallad ahna loogu fuliyo.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa hay’adaha garsoorka, caddaaladda iyo taliska booliiska ku dhiirri geliyay in ay qabtaan shaqo saxan, hufan, daacad ah daah furan si loo soo celiyo kalsoonida iyo aaminaadda shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaneen dawladooda.

Taliyaha booliiska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo natiijada shirka ka war bixiyay ayaa sheegay in shirarka soo socda lagu soo bandhigi doono horummarrada caddaaladeed ee laga gaaray qodobada kulankii maanta la iskula gartay iyo caqabadaha jira si xal looga gaaro oo looga dhabeeyo Barnaamijka dawladda oo ah in bulshada Soomaaliyeed ay helaan hannaan caddaaladeed loo simanyahay.

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyay

%d bloggers like this: