Ilaa Laba Qarax ayaa lala beegsaday Kolonyo ka tirsan Ciidamada Amisom oo maraayay Nawaaxiga Isgooyska Sos ee Dagmada Hiliwaa Magaalada Muqdisho.
Qaraxa Koowaad waxaa la eegtay Gaari Ciidamada Amisom ay leeyihiin Daqiiqado kadib Isla gaari kale ayaa qarax labaad lala eegtay lamana oga qasaaraha qaraxyada ay dhaliyeen.
Rasaas ay Ciidamada Amisom fureen ayaa waxaa ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ahba ka soo gaadhay Dad shacab ah.
Ciidanka AMISOM ee qaraxa lala eegtay qasaaraha ka soo gaaray lama xaqiijin karo waayo ciidanka marka ay qaraxyada dhaceen rasaas ayey dadka ku kala eryeen goobtana uu qaraxa ka dhacay ciidan badan ayaa hadda ku sugan.