Saturday, March 25, 2023
HomeUncategorisedRa'isul wasaare kheyre oo shaqo joojin ku sameeyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda...

Ra’isul wasaare kheyre oo shaqo joojin ku sameeyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Ra’isul wasaare kheyre oo Shaqo joojin ku sameeyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda mukhtaar Mahad Daa’uud oo loo heysto eedo Musuq maasuq.
 
Wasiir ku xigeenka ayaa dhawaan diiday in ciidamo boolis ah ay xarunta wasaaradda ka kaxeystaan iyagoo wata warqad maxkamad oo amreysa in wasiir ku xigeenka lasoo xiro.

Wareegtadaan ayaa waxaa warbaahinta Qaranka ka akhriyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Yuusuf Alcadaalla.

“ Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya markuu arkay Qodobka 99-aad xarfihiisa A,B,E iyo I ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya,markuu arkay qodobka 100,xarfihiisa A,B iyo D,Dastuurka KMG ah ee JFS,markuu arkay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu aas-aas u yahay ku dhaqanka dastuurka,xeer hoosaadka Golaha Wasiirada,shuruucda iyo Xeerarka u yaalo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayna ku shaqeyneyso daahfurnaan,isla xisaabtan iyo Dowlad wanaag ku saleysan qorshaha Horumarinta Xukuumadda Qaranka,markuu tixgeliyay soo jeedinta Hanti dhowrka Dowladda,markuu garowsaday in la gun gaaro dulucda Murtida eedeynta lagu soo oogay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibada wuxuu meel mariyay shaqo ka joojin,laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 9-ka bisha Augost sanadka 2018-ka,waxaa shaqada laga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud, si Hay’adaha isla xisaabtanka sharciga oo ay ugu horeeyaan Hanti dhowrka Guud iyo Xeer ilaaliyaha Guud Waajibaadkooda uga gutaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments