Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorised(Dhacdo Naxdin leh) Ciidamada Axmed Madoobe oo Falkii ugu Xumaa Ka gaystay...

(Dhacdo Naxdin leh) Ciidamada Axmed Madoobe oo Falkii ugu Xumaa Ka gaystay Magaalada Kismaayo

Ciidamada Axmed Madoobe ee ku caanbaxay falalka arxan darrada ah ee lagu dhibaateynaayo bulshada beel ahaan loogu heeb sooco deegaannada jubbaland ayaa waxa ay todobaadkaan guri ku yaala Xafaadda guulwade ee Magaalada Kismaayo kala baxeen nin ganacsade ah oo tukaan yar uu uga furanaay Magalada kismaayo.

Ninka Ganacsadaha ee ay ciidanka Axmad Madoobe hooygiisa ka kaxeysteen ayaa waxaa la sheegay in xaas uu qabay uu ka helay mid kamid ah askarta axmad madoobe ku dhaw dhaw kuna heeb ah.

Sababta ugu weyn ee Ganacsadaha loo xiray loona dhibaateeyay ayaa aheyd markii askariga uu ka helay xaaskiisa sidaasna loogu dhibaateeyay waxaana sidoo kale hooygeeda lagala baxay xaaska uu ninka askariga ah ka helay.

Ganacsadahan waxaa uu sheegay inta uu xirnaa in xaaskiisa dhib badan lo gaystay isagoo xusay in marka xaaskiisa aya diiday in asakarigaasi uu la seexdo loo gaystay jirdil ka dibna wixi la rabo laga sameeyay.

Iyadoo arintaasi arxan darrada ah lagu sameeyay ninka ganacsadaha ah xaaskiisana wixii la doono laga sameystay ayaa waxaa lagu amray in si deg deg ah uu kismaayo uga baxo waxaana laga soo saaray hooygii uu kismaayo ka daganaa waxaana hadda uu ku suganyahay magaalada muqdisho.

Asago u waramayay mid kamid ah idaacadaha muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in xaaskiisa ay taalo isbitaalka magaalada kismaayo ka dib markii jirdil iyo faro xumeyn la iskugu daray waxaana uu ka codsaday Dowlada Somalia iyo guud ahaan shacabka Somaliyeed in xaaskiisa lo soo badbaadiyo dadkii dhibkaan gaystay oo ah Ciidanka Axmed Madoobe na cadaalada la horkeeno.

Ciidanka axmad madoobe oo caado ka dhigtay dhibaateynta dadka liita ee kismaayo ku nool ayaa waxaa waayadii ugu dambeeyay ay kordhiyeen falalka gumaadka ah iyadoo aysan jirin maamul gacan bir ah ku qabta askarta dhibaateyneysa shacabka masaakiinta ah.

Magalada Kismaayo ayaa sanadhii uu ka talinaayay Axmed Madoobe waxaa ka dhacay wax aysan diinta islamku raali ka ahayn oo sikugu jiray kufsi, dhac, jirdil, xarig iyo cabsi galin taasi oo si muuqata uga jirta kismaayo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments