Saturday, March 25, 2023
HomeUncategorisedJaaliyadda Soomaaliyeed ee Bristol Uk oo dooratay Gudoomiye Cusub

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Bristol Uk oo dooratay Gudoomiye Cusub

Kulan ay isku yimaadeen waxgarad  Aqoon yahanno siyaasiyiin Culumaa’údiin Dumarka ku nool Magaalada Bristol ee Uk ayaa waxaa looga dooday in ay muhiim tahay in la helo Hogaamiye isku wadi kara Jaaliyadda Bristol.

Xafladda ayaa waxaa iskugu yimid  hurmuudka Magaalada waxaana looga dooday qaabka loo heli karo Hogaamiye  isku wadi kara Jaaliyadda Guud ee Bristol.  Dood dheer kadib waxaa hadalo koo kooban ka jeeday goobta  dadkii ka soo qeybgalay waxaana ugu horayn hadalka furan Aqoon yahan ahna Nabaddoon Cabdulaahi ibraahim Caseyr waxuuna yiri sida tahay

” Marka waad salaamantihiin walaalayaal kulankeena caawa waxa uu ku saabsan yahay seen ku helnaa Hogaamiye Bulshada Bristol isku wadi kara  anoo ku hadlaayo magaciina caawa waxaan jeclaan lahaa inaan caawa  aan loo kala tagin anagoon dooran Gudoomiye  si aan uga baxno kala daadsanaanta Jaaliyadda waana Mahadsantihiin”

Dhanka kale waxaa ayagane goobta ka hadalay waxgaradkii waxa ayna ku isku raaceen in caawa la doorto Gudoomiye waxaa loo codeeyay Mudane Cabdishakuur Ibraahim Cali in uu noqdo Gudoomiyaha Jaaliyadda Bristol 5 sano ee soo socota waxaana hadalka la siiyay Gudoomiyaha Cusub hadalkiisiina waxaa ka mid ahaa.

” Walaalayaal waad ku madsantihiin xilka culus ee aad ii dhiibteen  waxaan allaah ka baryayaa inuu ii fududeeyo waxaan idiin shegayaa xilkaan haadan garab igu siin inaanan wadi karin waayoo hadaan la iskaashan guul ma jirto waa inaan helaa garabka odayaasha  Dumarka Dhalinyaradda dhamaantiin Gacmo Wadajir Bay Wax Ku Gooyaan walaalyaal”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments