Goobaha ganacsiga Suuq boocle ee Degmada Dharkenley ayaa maanta gabi ahaanba xiran waxaana ganacsatada ay ka cabanayaan lacago u dhaxeeya $500 ilaa $1,000 oo ay sheegeen in maamulka dagmada uu ku soo rogay Ganacsatada Suuqa.
Suuqa oo aan wax shaqo ah ka socon ayaa waxaa albaabada isugu laaban goobaha ganacsiga waxaana ganacsatadu ay sameeyeen dibad bax ay uga cabanayaan lacagahaan uu maamulka kusoo rogay.
Wada hadal ayaa hadda u socda Ganacsatada iyo Maamulka dagmada kaasi oo xal looga gaaraayo lacagaha lagu soo rogay ganacsatada ee sababay in gabi ahaan suuq boocle uu xirmo.