Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa muddo kadib waxa ay bilowday in xiliyada habeenkii ah ay shaqeeyso waxaana ay hadda shaqeyn doontaa 24-saac tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe dekeddu maalin oo kaliya ayey shaqeyn jirtay.
Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar oo ay wehliyeen Wasiiro iyo Saraakiil ayaa xalay Daah-furay In Dekedda Muqdisho ay habeenkii shaqayso, taasi oo la micno ah in habeen iyo Maalin ay dekadu shaqaynayso,si loo kordhiyo howlaha adeegyada ganacsiga kaladuwan.
“Farxad iyo guul bay inoo tahay in aan daah furno in Dekedda ay shaqeyso in habeen iyo maalin ay shaqeyso,anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda,raiius Wasaaraha,iyo Madaxweynaha JFS waxaan ku dhawaaqayaa in Dekedda Muqdisho ay diyaar u tahay in xiliyada habeenkii ah ay shaqeyso,Dekadda Muqdisho oo habeenkii shaqeysa waxay u dhigantahay horumar deg deg ah oo dhaqaalaha dalkeenu ku talaabsaday,taasina waxay noo sahleysaa in aan isku filnaano”. Ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenka Dalka.
Xukuumadda Nabad iyo Nolol guulaha la taaban karo ee lagu amaanaayo ayey kamid tahay howlgalinta dekedda muqdisho iyo garoonka diyaaraddaha aadan cadde oo xili habeen ah labadooduba hadda shaqeynaayo.