Dowladda sacuudiga ayaa soo celisay markab siday xoolo badan oo laga dhoofiyay dalka soomalia.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay xoolihii Soomalia laga dhoofiyay ee dhawaan ay iska soo celisay in ay qabeen cudur ku dhaca xoolaha.
Xoolahan oo ahaa 27,000 oo neef ari ahaa ayey boqortooyadu sheegtay in laga helay cudurka ku dhaca xoolaha ee lagu magacaabo (Rift Valler Fever).
Dowladda Somalia weli kama aysan hadlin xoolaha laga soo celiyay sacuudiga ee cudurka lagu sheegay.