Connect with us

Ciyaaraha

Guddoomiyaha Somali Minifoodball ee Europe oo socdaal shaqo ku tagay Belfast Dalka Ariland

Published

on

Cabdulkadir Xaaji Muxudiin (Dacar) oo ah Gudoomiyaha Somali Minifoodball ee Europe ayaa Socdaal shaqo ugu  ambabaxay Magaaladda  Belfast ee Waddanka  Airland, Guddoomiye Dacar ayaa safarkiisa  waxa uu ku saab sanahay hormarinta Isboortiga Soomaalida,   Guddoomiye  Dacar ayaa waxa uu la kulmi doonaa  Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool  Airland si loo hormariyo Isboortiga iyo  isku xirka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dacar ayaa inta badan waxa uu ku qabtaa Uk gaar ahaan Magaalada  London  Koobka Genaral Daa’uud iyo waliba koobab kale oo ka dhacayo Guud ahaan Uk Dacar ayaa inta badan isku xira Ciyaartoydii hore   waana Shaqsiga kaliya ee u taagan hormarinta Isboortiga.

Safarka Guddoomiye dacar waxii ku soo kordha waxaan idinku soo gudbin doonaa  Halkaan

Ciyaaraha

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Bristol

Published

on

Waxaa indhoweeyto lagu qabtay magaalada Bristol (UK) xaflad lagu soo dhaweeynaayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Xafladaas ayaa waxaa loo soo abaabulay si heer sare ah. Waxaana ka qeybqaatay qeybaha kala duwan ee bulshada sida odayaal, dhalinyaro, gabdho wiilal, wadaado, waranle iyo aqoonyahano.

The Bristol Hotel ayaa Xafladaas ka dhacay iyadoo halkaas ay ka jeediyeen qudbado kala duduwan oo ay soo jeediyeen wafuud ka socotay magaalooyin ka baxsan Bristol. Axmed Nuur (Seyga Ruushka) oo ahaa ciyaartooy caan ah barisamaadkii ayaa wuxuu amaanay ugu horeeyn reer Bristol iyo siday wax u soo qabanqaabiyeen wuxuuna yiri:”waaba inaan halkaan u soo guuraa”. Wuxuu kaloo amaan la dul istaagay dowladii uu mudane Xasan Sheekh Maxamuud hoggaaminaayay iyo wax qabadkeedii. Prof. RUUMI oo isna ah aqoonyahan matalayey reer Birmingham ayaa wuxuu sheegay inuu Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ka masuul ahaa in la yagleelo Akadeemiya-Goboleedka Af Soomaaliga oo uuna aad u soo dhaweeynaayo xisbiga cusub.

Abdishakuur Ibraahim Ali oo ah Guddoomiyaha Jaaliyadda bristol ayaa  soo dhaweynta madam aad ugu qeybqaatay asigoona sheegay Mudane Xassan Sheikh inu yahay hogaamiye dacad ah  dalkane u baahan yahay Jaaliyaadda Bristoolna ku booriyay in Xisbiga uu horkacayo  Muadane Xassan Sheekh in la taageero.

Maryan Jaabir oo iyada ka midka ah dadka degan Bristol ayaa waxay sheegay iyadu inay hore u taageersaneed madaxweynihii hore ayna hada meesheeda kasii wadeeyso. Waxay mudane Xasan Sheekh Maxamuud kula dardaarantay inuusan iloobin xuquuqda reer Muqdisho ee maqan. Dad kale oo ay ka mid ahaayeen Cali Hindi, Dhagacade iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Bristol C/Shakur ayaa iyagana waxay aad u amaaneen waxqabdkii madaxweynihii hore iyagoo isla markaana soo dhaweeyay xisbiga cusub ee Midnimada Nabada iyo Horumarka.

Maama Seynab iyo caruurteeda oo ku dhasheen wadankan Ingariiska ayaa waxay madaxweynihii hore gudoonsiiyeen bilad sharaf maadaama uu wax badan usoo qabtay wadanka Soomaaliya. Hibaaq Jaamac oo ah Xildhibaan xisbiga shaqaalaha oo laga soo doorto xaafada ugu Soomaalida badan magaaladan isla markaana u qaabilsan Bristol Ganacsiga Caalamiga iyo Maalgashiga (International trade and investment) ayaa soo dhaweeysay madaxweyne Xasan Sheekh waxayna ku dheeratay fursadaha ka jiro wadankan dhanka dhaqaalaha oo ay haboon tahay in laga faa’iideeysato.

Xildhibaan Xasan Macalin oo isna ka mid ahaa wafdigii la socday madaxweynihii hore ayaa wuxuu ku dheeraaday arimaha xisbiga iyo sida ay iyaga u rabaan in qof walbo oo Soomaali ah ka qeybqaato.

Ugu danbeyn rausalwasaarihii hore ee dowlada kumeelgaarka Soomaaliya mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) ayaa mikrafoonka kusoo dhaweeyay mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay dadka goobta fadhiya aad iyo aad u sugayeen.

Madaxweynihii hore ayaa hadalkiisa waxuu ku bilaabay inuu aad ugu faraxsan yahay imaatinkiisa magaalada Bristol oo weliba si heer sare ah loogu soo dhaweeyay. Wuxuu kaloo sheegay inuu la socdo in ay Bristol tahay magaalo Qofkii ama siyaasigii ay dhabarka ka taabtaan uu helaayo wuxuu rabo markaa wuxuu yiri: “reer Bristoloow anigana waxaan idinka rabaa inaad dhabarka iga taabataan” Mudane Xasan Sheekh wuxuu ku dheeraaday inay dowladnimada iyo meesha laga soo bilaabay iyo inuu madaxweyne kastaa meel gaarsiinaayay oo ay taa ku timid ugu danbeyn in isaga uu si diimuquraadiyad leh ugu wareejiyo xilka madaxweynenimo Maxamed C/hi Farmaajo markii laga guuleeystay. Waxuu dadweynaha ugu baaqay inay ilaashtaan dowladnimadooda. Tan kale madaxweyne Xasan wuxuu xusay in ay Xisbiga Midnimada Nabada iyo Horumarka ay daahfureen.

Xisbigaas waxaa ku midoobay dhowr xisbi waxuuna ka shqeeyndoona danta shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Reer Bristol waxaa looga baahan yahay inay xubno ka noqdaan dhaqaalena ku taageeraan ayuu yiri madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Xafladaas ayaa waxaa laysku raacay inay eheed mid aad u qurux badan waxayna kusoo dhamaatay guul. Dhamaan dadkii kasoo qeyb galay waxay isku raaceen inuu Xasan Sheekh Maxamuud yahay hogaamiye ay Soomaaliya u baahan tahay.

HLKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Continue Reading

Ciyaaraha

Xulka Qaranka Argentine Oo Guul Weyn Ka Gaaray Haiti & Lionel Messi Oo Saddex Gool Dhaliyay

Published

on

Xiddiga Lionel Messi ayaa guul weyn ku hogaamiyay xulka qarankiisa Argentine kulan ka tirsan kulamada uu xulku isugu diyaarinayo koobka adduunka Russia 2018.

Argentine ayaa dhulka la dhacday xulka qaranka Haiti kuwaas oo ay ku garaacday 4/0 kulan uu Lionel Messi ahaa xiddiga garoonka ugu fiican.

Messi ayaa daqiiqadii 17-aad furay goolasha xulka qarankiisa isaga oo gool u badalay rikoore loo dhigay kooxdiisa ciyaartana ka

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo uu xulka qaranka Argentine ku hogaaminayo 1/0 ciyaarta waliba dhalin karay goolal kale.

Qaybtii dambe ayay saaxiibada Messi si dar-dar leh ku bilowdeen ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal kale oo kulanka ah.

Messi ayaa daqiiqadii 58-aad dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta isaga oo kulanka ka dhigay 2/0 uu xulka Argentina ku hogaaminayo kulanka.

Continue Reading

Ciyaaraha

Kooxda Chelsea Oo La Kulantay Tababare Reer France Ah Oo Ay Doonayso In Ay Ku Basho Antonio Conte

Published

on

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay France kula kulantay tababare ay doonayso in ay u dhiibto shaqada kooxda si uu u badalo tababare Antonio Conte xilli ay sii wadaan raadinta tababare cusub.

Blues ayaa la filayaa in ay shaqada ka cayriso Antonio Conte marka ay Maamulka Blues helaan tababare cusub oo ay ku badali karaan.

Wargayska France Football ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea la kulantay tababarihii hore ee kooxda PSg ee Laurent Blanc si uu badal ugu noqdo tababare Conte.

Wararka ayaa sheegaya in agaasimaha kooxda chelsea uu shalay la kulmay tababarihii hore ee kooxda PSG xilli ay wali raadinayaan tababare cusub.

Tababaraha 1998 ku guulaystay koobka adduunka ayaa bilaa shaqo ah muddo laba sano ah tan ilaa markii uu ka tagay kooxda PSG.

Tababarihii ka tagay Napoli ee Maurizio Sarri ayaa la aaminsan yahay in uu yahay tababaraha ugu cad-cad laakiin Chelsea ayaa diidan in ay bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa.

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyay

%d bloggers like this: