Iyadoo shalay ciidamada dambi baarista ee CID ay galeen xafiiska maamulka kastamka canshuuraha ee Dekedda Muqdisho kadib markii Musuq maasuq lagu helay xafiiska ayaa waxaa isla shalay la xiray maamule ku xigeenka kastamka canshuraha dekedda muqdisho.
Inkastoo shalay uu xafiiskiisa ka maqnaa madaxa kastamaka canshuuraha markii ciidamada dambi baarista ay sxafiiskiisa baarista ku sameynayeen waxaana xafiiska loo dhigay warqad maxkamad oo xarig ah.
Axmed C/llaahi Samow Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho ayaa xalay xabsiga la dhigay kadib markii uu isaga lugahiisa ugu tagay Xarunta dambi baarista ee CID, halkaasoo shalay lagu xiray xubnaha kale ee maamulka canshuuraha Dekeda ka tirsan oo lagu soo eedeeyay musuq maasuq.
Xubnahaan la xiray ayaa waxaa ku socda baaritaano ku aadan musuq maasuq iyo wax is daba marin lagu soo eedeeyay.