Sunday, March 26, 2023
HomeUncategorisedXildhibaan C/qaadir Gaafow oo iska Casilay Xubinnimada Baarlamaanka Soomalia

Xildhibaan C/qaadir Gaafow oo iska Casilay Xubinnimada Baarlamaanka Soomalia

Xildhibaan C/qaadir Gaafow Maxamuud waa xildhibaankii ug horreeyay ee golaha shacabka baarlamanaka federaalka oo iska casilay xubinnimada baarlamaanka soomalia.

Xildhibaan C/qaadir Gaafoow oo 2016kii laga soo doortay magaalada Cadaado ayaa guddiga doorashada waxa ay shaaciyeen in xildhibaanka uu iska casilay xildhibaannimada golaha shacabka.

Doorashada kursiga uu baneeyay ayaa dhawaan la qaban doona waxaana xubnaha u tartamaya kamid ah xildhibaanka is casilay walaalkiis Gen C/llaahi Gaafow oo sanad ka hor laga qaaday Xilka Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay inuu bilaabay howsha soo buuxinta saddex kursi oo ka banaan Golaha Shacabka, kuwaasoo doorashadooda ka dhaceyso magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments