Daawo: Alshabaab oo Baahisay Muuqaalka Weerar Sanad ka hor ay ku qaaday Saldhigga Bariire

Iyadoo Muddo sanad ah laga joogo weerarkii xoogganaa ee subax aroor hore ah bishii August 2017-dii Dagaalamayasha Alshabaab ay ku qaadeen Saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa Alshabaab waxa ay goordhaw Baahisay Muuqaalka Weerarkaas .

Muuqaalka Al-shabaab baahisay oo la daawan karay muddo 30Daqiiqo ah ayaa waxaa ka soo dhexmuuqanaya Ibraahim C/llahi Muxumad oo ahaa Ismiidaamiyihii daah-furay weerarka xerada ciidamada Dowladda lagu qaaday wuxuuna gaari qarxyo waaweyn lagu rakibay uu ku dhuftay albaabka hore ee xerada laga galaayo kadib waxaa xigay dagaallamayaal gudaha u galay saldhigga Bariire ay ku lahaayeen Ciidamada Danab ee ka tirsan Dowladda.

Sido kale Muuqaalka waxaa ka dhex muuqanaya Gaadiid dagaal iyo hub badan oo Shabaabka ay xirada ka furteen iyo meydadka Ciidamada Dowladda ee dagaalka lagu dilay.

Gaadiidka iyo hubka ay shabaabka sanad ka hor xeradaan kala baxeen Maalintii ciidda ee doraad ayey dhoolatus milatari ku sameeyeen.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka

 

Facebook Comments