Guddiga fulinta ee Xisbiga Shacabka Dimuqraadiga Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa goordhow waxa ay ku dhowaaqeen in Madaxweyne Cusub u doorteen Mustafa Muxumad Cumar Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Guddiga ayaa markale waxa ay doorteen Madaxweyne cusub iyadoo hore madaxweyne ugu doortay Axmed Cabdi Maxamed kadib markii xilka laga qaaday Cabdi Maxamed Cumar oo sanooyinkii la soo dhaafay ahaa Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Golaha dhexe ee xisbiga dimoqradaadiga shacabka Soomaalida Itoobiya oo dhawaanahan kulan ku lahaa magaalada Addis ababa ayaa Mustafa Muxumed Cumar u doortay inuu noqdo madaxweynaha kumeel gaarka ah ee u yeelanayo maamulkaasi.
Dhawaan ayay ahayd markii uu xilka iska casilay madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, isla markaasna xilkaas loo magacaabay Axmed Cabdi Maxamed.
Axmed Cabdi Maxamed ayaa isna bartiisa Facebook soo dhigay Fiidiyow uu ku sheegayo in ay iyagu ka dambeeyeen in Mustafe Cagjar oo aan xubin ka ahayn xisbiga mar qura loo doorto labada xil ee kala ah ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga iyo sii hayaha jagada madaxweynaha DDSI.
Wuxuu sheegay in ay jiraan qodobbo dastuurka ka mid ah oo dhigaya in qof dibadda ka yimid uu xisbiga xil ka qaban karo, ama uu hogaamiye noqon karo.
wuxuu intaa ku daray in sababta loo doortay Mustafe ay tahay ayadoo laga fogaanayey in burbur uu ku yimaado xisbiga.
Ninkaan la doortay ayaa ka mid ahaa xubnihii Mucaaradka, waxaana Guddiga Fulinta ay u doorteen hoggaanka Dowlad deegaanka inta laga soo dooranaayo Madaxweyne.
Todobaadyada soo socda gudahooda ayaa la filayaa in xisbiga dimoqradaadiga shacabka Soomaalida Itoobiya uu shirweyne ku yeesho magaalada Jigjiga,