Thursday, March 30, 2023
HomeUncategorisedMaamulka Soomaliland oo gacanta ku dhigay Wasiiro horay uga tirsanaa Maamulkii Cabdi...

Maamulka Soomaliland oo gacanta ku dhigay Wasiiro horay uga tirsanaa Maamulkii Cabdi Ileey

Ciidammada ammaanka ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa gagida diyaaradaha ee Hargeysa ka qabtay labo wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar, Sida uu BBC u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Labadan wasiir ayaa kala ah wasiirkii hore ee waxbarashada Ibraahim Aadan Mahad oo ku magac dheer Ibraahim Sacab iyo wasiirkii caddaaladda Cabdi Jamaal Axmed Qaloonbi.

Sarkaalkaas ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay in labada wasiir loo haysto in ay si dhuumasho ah ku soo galeen iyaga oon dal ku gal wadanin, isla markaasna ay rabeen in ay garoonka ugu duulaan si dhuumasho ah.

Wasiirada ayaa la sheegay in ay kusii jeedaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments