Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Saacadaha soo socda ku wajahan Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.
Maxamuud Sayid aadan ayaa la sheegay in uu doonaayo in uu qanciyo dadka Shacabka ah ee ku kacsan Axmad madoobe kuwaasi oo dalbanaya in uu Madoobe Is casilo.
Banaanbax weyn ayaa shalay ka dhacay Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo kaasi oo looga soo horjeeday Wasiirka Qorsheynta Jubbaland Aw Xirsi iyo Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Jubbaland Xirsi Gaani oo halkaasi shalay gaaray.
Sida muuqata Madaxweyne ku xigeenka wuxuu la kulmaya waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si uu ugu qanciyo in ay rabshadaha joojiyaan wixii tabasho ah ay qabaanna wada hadal lagu dhameeyo.